Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynayaasha dowladaha Suudaan iyo Turkiga oo kala saxiixday 11 Heshiis oo Iskaashi [Sawirro]

Dowladdaha Suudaan iyo Turkiga ayaa isku raacay iney dhaqan geliyaan Heshiis iskaashi oo kor u qaadaya ganacsiga ka dib booqasho taariikhi ah oo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku tagay magaalada Khartuum ee Caasimadda dalkaasi Suudaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa Axadii shalay gaaray caasimadda Khartuum,isagoo halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyay,wuxuuna socdaalkiisa qeyb ka yahay safaro kale uu ku tagayo dalal kale oo ku yaalo Qaaaradda Afrika sida Tunisa iyo Chad.

Madaxweynaha Turkiga ayaa la kulmay dhigiisa Suudaan Cumar Hassan Albashiir, wuxuuna Erdogan sheegay in labada dal ay gaareen heshiis ganacsi oo labo geesood ah oo ku kaceysa marka hore lacag gaareysa $500m sanadkii ilaa iyo $1 bilyan, halka marka ugu danbeyso la gaarsiinayo $10 Bilyan.

Laba dhinac ayaa kala saxiixday heshiisyo gaaraya 11 oo ay ka mid yihiin dhinacyada Beeraha, dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Teknlogiyada iyo Seyniska iyo heshiisyo kale oo iskaashi.

“Waxaan dhiira gelineynaa ganacsatada si ay u maal gashadaan Suudaan,”Ayuu yiri madaxweyne Erdogan xilli uu ka hadlay shir jiraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen Cumar Hassan Albashiir.

Wakaalada Wararka dalka Suudaan ayaa ku warantay in Labada Hogaamiye ay ku heshiiyeen iney dhidibada u aasaan Kooxo qorsheeya istiraatijiyada si wadaxaajood looga sameeyo Arrimaha dibadda iyo waliba Militariga si iskaashi labada dal uga sameeyaan Arrimaha Ciidamada amaanka.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON