Friday, July 11, 2025

Madaxweynayaasha K/Galbeed & Hirshabeelle oo Muqdisho u tegay la-tashiga Madaxda Dowladda & Xubno qaadacay

Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Hirshabeelle Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Labada madaxweyne oo isku diyaarad ahaa ayaa ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyagoo Muqdisho u yimid inay kulamo la yeeshaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana qabanqaabo loogu jiraa shirka Amniga Qaran ee magaalada Baydhaba oo dhowr jeer dib u dhacay.

Waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaan ka tirsan maamulladooda, wararka ayaa sheegaya ina labada madaxweyne ay aqbaleen inay wadatashi u yimadaan magaalada Muqdisho, iyadoo ay qaadaceen saddexda madaxweyne ee Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON