Sunday, June 22, 2025

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Turkiga oo heshiis xabbad joojin ah ku dhawaaqay..

Madaxweynayaasha dalalka Ruushka iyo Turkiga ayaa ku dhawaaqay inay heshiis xabbad joojin ah ka gaareen dagaalka ka socda Gobolka Idlib ee W/Galbeed ee dalka Syria.

Kadib wadahadal dhex maray Vladamir Putin iyo Recep Tayyip ErdoÄŸan oo muddo lix saacadood ah socday magaalada Moscow ayey labada madaxweyne gaareen heshiis xabbad joojin ah oo ka bilaabanaya caawa saqda dhexe.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen madaxweynayaasha Turkiga iyo Russia oo ayaa lagu shaaciyey in labada dhinac ay ka wada shaqeynayaan sidii Waqooyiga Syria looga hirgelin lahaa Goob dagaalka ka caagan.

Ad

Qodobadda ugu muhiimsan Bayaanka kasoo baxay kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa ka mida: Xabad joojin bilaabaneysa caawa, lana joojiyo dhamaan howlgallada dagaal ee labada dhinac, in la sameeyo mariin nabad ah oo labada dhinac ay ka wada hadleen, in la sameeyo roondo wadajir ah oo ka kooban ciidamada Turkiga iyo Ruushka iyo in dhibaatada Syria aan lagu xalin karin awood milateri, iyadoo laga hortegayo in la barakaciyo dadka ku nool Waqooyiga Syria.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON