Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.
Kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo Turkigu yahay dalka ugu weyn ee taageera dowladda Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid uu albaabada u xiran yahay ayaa qaatay muddo saacad ah.
Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Turkig ayaa lagu sheegay in kulanka madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya uu qaatay muddo saacad ah, kana dhacay xarunta Vahdettin Pavilion ee degmada Uskudar, iyadoo faahfaahin kale lag bixin.
Wafdiga Farmaajo ayaan socdaalkiisa dalka Turkiga hore loo sii shaacin, wuxuuna Turkiga ka hor booqday dalka Talyaaniga. Dowladda Soomaaliya ayaa taageero weyn ka hesha Turkiga, balse dhowaan ayaa taageero is daba joog ah u muujisay Boqortooyada Sacuudiga oo Turkiga ay isku hayaan kiiska dilka saxafiga Sacuudiga ee Jamal Kashoqgi, arrintaas oo dad badan ay ka hor yimaadeen.