Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Deni oo hadiyaddo guddoonsiiyey Madaxweynayaasha Hirshabelle & K/Galbeed (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa haddiyado lagu sheegay hadiyado dhiirigelin ah guddoonsiiyey Madaxweyneyaasha maamullada Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan (Laftagareen,) iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Arrintan ayaa ka danbeysay shir gaara oo shalay iyo xalay ay magaalada Garowe ku yeesheen madaxda Puntland, Hirshabelle iyo K/Galbeed, kaasoo laga soo saaray war-murtiyeed ay Puntland ku sheegtay inay maamul Gobnoleedyadaasi heshiis la gashay, kana taageeri doono dhinacyo badan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa madaxda Hirshabelle iyo K/Galbeed u sheegay inay Puntland diyaar ula tahay iskaashi iyo xiriir dhaxalgal ah.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas ayaa lagu xusuustaa inuu madaxweynaha Galmudug guddoonsiiyey Shahaado sharaf xilli uu xiriir aad xun kala dhaxeeyay dowladda Federaalka, waxayna weli faahfaahin laga bixin heshiiska iyo isbaheysiga cusub ee Puntland la gashay maamullada K/Galbeed iyo Hirshabelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON