Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Madaxweyne Deni oo ka qeyb galay shirka madaxda dowlad Goboleedyada ee ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug.
Wafdiga Deni ayaa loo gudbiyey xarunta uu ka degayo magaalada Dhuusamareeb iyadoo ay la socdeen ciidamo ilaalo u ah, ayna hore u tageen magaalada ciidamo kale oo dhulka maray, kana tegay magaalada Gaalkacyo.




