Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Donald Trump: Aduunyada miyuu bedeli doonaa mise isagaa la bedeli doonaa…?

Waxaa maanta lagu wadaa in la caleemo saaro madaxweynaha cusub ee Mareykanka  Donald Trump oo noqonaya madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka.

Waxaa xaflada caleemo saarkiisa la filayaa inay ka qeyb galaan dad ku dhow hal milyan oo ruux, waxaana la dhaarin doonaa madaxweynaha ugu khilaafka iyo muranka badan ee talada Mareykanka ku yimid si aan la fileyn.

Xaflada ayaa ka dhici doonta xarunta Lincoln Memorial ee magaaladan Washington, waxaana barbar socon doona bannaanbaxyo looga horjeedo caleemo saarka Donald Trump oo dhaxli doona dad kala qeybsan iyo xaalad cakiran.

Hadaladda qalafsan ee madaxweyne Trump, hab dhqankiisa aan siyaasiga ahayn, iyo mowqifyadiisa ku aadan Ruushka waxay cabsi weyn ku abuureen dad badan oo Mareykan ah, waxaan la saadaalinayaa in hogaankiisa uu wax badan ka bedeli doona siyaasadda dunidu ku socotay tobanaankii sano ee la soo dhaafay.

Xeeldheerayaal ayaa saadaalinaya in Madaxweyne Trump aanu wax badan ka bedeli karin Mareykanka ayna ka hor imaan doonaan labada aqal ee dalkaasi loogu taliyo siiba xiriirka Ruushka iyo Sirdoonka Mareykanka.

Waxaa kaloo la saadaaliyay in ay ugu danbeyn isku dhici doonaan isaga iyo xisbigiisa Jamhuuriga oo ugu danbeyn ay dhici doonto inuu xilka ku waayo, kadibna ku xigeenkiisa uu la wareegio talada.

Si kastaba ha ahaatee caleemo saarka Donald Trump wuxuu noqon doonaa dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu weyn qarnigan oo madaxweyne aan la fileyn uu ka taliyo Aqalka Cad ee Mareykanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON