Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Erdogan oo ku dhaartay inuu la dagaalamayo ciidamo uu Mareykanku ku tababarayo Suuriya

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa ku dhaartay inuu la dagaalami doono oo uu burburin doono ciidamo uu doonayo Mareykanka inuu ka abuuro dalka Suuriya.

Dowladdaha uu Turkigu ugu horeeyo ayaa ka hor yimid qorshe cusub oo uu Maraykanka ku doonayo in xudduuda Suuriya iyo Turkiga uga sameeyo ciidammo gaaraya 30,000 oo ka tirsan Kurdiyiinta iyo beelo carab ah gudaha suuriya.

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa qorshahan ku tilmaamay mid argagixiso oo la doonayo in khalkhal lagu galiyo amniga dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray in uu hor istaagi doono qorshe kasta oo lagu tababarayo ciidammadaas, kuna baabi’in doono inta aanay dhalan.

Dowladda Suuriya ayaa iyaduna qorshahan ku tilmaamtay weerar qaawan oo lagu soo qaaday dalkeeda, halka dowladda Ruushka ay ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta. Jabhadan Kurdiyiinta oo lagu magacaabo SDF ayaa qabsaday kumanaan kiilo mitir oo dhulka Suuriyada, iyaga oo ka qabsaday kooxda Daacish, waxayna gacan ka heleen duqeymaha Maraykanka.

Bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay waxa ay la wareegeen magaalada Raqa, wixii ka dambeeyayna waa ay isa sii balaarinayeen. Isbahaysiga uu horkacayo Maraykanka ayaa sheegay in ciidammadan ay sugi doonaan amniga xuduudaha Suuriya ay la wadaagto Turkiga iyo Ciraaq, askartana ka koobanyihiin Kurdiyiinta iyo Carabta deegaanadaas degen.

Jabhadda Kurdiyiinta ayaa ku eg wabiga Furaat, iyada oo dhinaca kale ee wabiga ay ku suganyihiin ciidammada Suuriya ee Bashaar Al Asad. Turkiga ayaa u arka in ciidammada Kurdiga ay xiriir la leeyihiin jabhadda dalkaas ka dagaalanta ee PKK oo iyadu raadinaysa xornimada.

Erdogan ayaa waxa uu sheegay in uu diyaariyay ciidammada dalkiisa, islamarkaasna ay weerar ku qaadi doonaan deegaanka Afrin oo Waqooyiga Suuriya ka tirsan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON