Calaamo saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta dhacaya, iyadoo ay ka qeyb galayaan 22 hoggaamiye oo caalamka ka socda.
Recep Tayyip Erdogan ayaa marka hore lagu dhaarin doonnaa Xarunta Baarlamaanka dalkaasi, isagoo kadibna booqan doona dhismaha Anitkabir oo ah halka lagu maamuuso aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga Mustafa Kamal Ataturk, kadibna waxay xaflad weyn ka dhici doontaa xarunta weyn ee madaxtooyada oo ay ka qeyb geli doonaan madaxa ka socoda dalalka Caalamka oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxda caleemo saarka madaxweyne Erdogan ka qeyb galeysa, waxay kala yihiin:
Madaxweynayaasha dalalka Bulgaria, Georgia, Macedonia, Moldova, Bosnia, Serbia, Kosovo, Pakistan, Kyrgyzstan, Sudan, Guinea, Zambia, Guinea Bissau, Equatorial Guinea, Somalia, Mauritania, Gabon, Chad, Djibouti, Venezuela iyo Amiirka Qatar.
Waxaa kaloo caleemo saarka Recep Tayyip Erdogan ka qeyb galaya madax kale oo ka kala socota 28 dal oo isugu jira Ra’iisal wasaareyaal, wasiiro arrimo dibadeed iyo madaxweyne ku xigeeno. iyadoo ay qeyb ka yihiin Xoghayeyaasha guud ee Ururrada Islaalka Guddiga Yurub iyo ururro kale.