Tuesday, July 15, 2025

Madaxweyne Erdogan oo qaaday Xaaladii degdegga ahayd ee lagu soo rogay Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa qaaday xaaladdii degdegga ahayd ee dalkaas la galiyay kadib afgambigii dhicisoobay ee lagu sigay in talada looga tuuro July sanadkii 2016.

Xaaladda degdega ah ee Turkiga lagu soo rogay afgembigii dhicisoobay ee Turkiga kadib ayaa keentay in xabsiyada la dhigo dad ka badanm 100-kun oo qof, iyadoo tobannaan kun oo kale laga eryay ciidamada dowladda iyo shaqaalaha rayidka ah, markii lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxda Wadaadka mucaaradka ah ee Fethullah Gülen.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International waxay sheegtay in qaadidda xaaladda degdegga ah oo kali ah aysan soo afjaraynin xaaladda ka taagan Turkiga kadib dib u doorashadii Erdogan iyo awoodaha badan ee uu helay.

Dhanka kalana Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in Turkigu uu sii daayo Andrew Brunson oo ah baadari Maraykan ah, kaas oo la xiray ka dib afgambigii dhicisoobay labo sano ka hor, waxaana lagu eedeeyay in uu xiriir la lahaa maleeshiyada Kurdiyiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON