Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul ugu jawaabay war uu faafiyay Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Abdullah bin Zayed Al Nahyan oo caro badan ka dhaliyey dalka Turkiga dhexdiisa.
Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa boggiisa twitter-ka dib ugu faafiyay qoraal xaakimkii Cusmaaniyiinta Turkiga ee ka talinayay magaalada Madiina Alumunawara 1916-1919 Fakhrudiin Baasha oo lagu tilmaamay inuu dhacay hantidii dadka Medina, isla markaana dhibaato u geystay dadkii deganaa magaalada Rasuulka, waa awoowayaasha Erdoganka maanta.
هل تعلمون في عام1916قام التركي فخري باشا بجريمة بحق أهل المدينة النبوية فسرق أموالهم وقام بخطفهم واركابهم في قطارات إلى الشام واسطنبول برحلة سُميت(سفر برلك)
كما سرق الأتراك أغلب مخطوطات المكتبة المحمودية بالمدينة وارسلوها إلى تركيا.هؤلاء أجداد أردوغان وتاريخهم مع المسلمين العرب pic.twitter.com/lEynzANQiV
— د. علي العراقي (@ali11iraq) December 16, 2017
Madaxweyne Erdogan oo kulan la yeeshay madaxa gobollada dalkaasi ayaa soo hadal qaaday arrintan wuxuuna yiri: “Kuwa sida aad aragteen ah ayaa wax naga sheegaya. halkee jirteen markii uu Fakhrudiin Baashaa difaacayay magaalada Mediina..? Wuxuu Mediina u joogay inuu ilaaliyo kana difaaco gumeystihii, ujeedkiisuna wuxuu ahaa inuu shahiido..”
Isagoo hadalka sii wata ayuu madaxweynaha Turkiga yiri: “Fakhrudiin wuxuu ahaa hoggaamiyaha ciidamadii Cusmaaniyiinta iyo xaakimkii ugu danbeeyay ee Cusmaaniyiinta oo xukuma Mediina, waxaa loogu magac daray Libaaxii saxaraha, geesinimadiisa iyo sidii uu magaalooyinka islaamka uga difaacay beelihii carbeed ee gumeysiga Ingiriiska la safnaa..”
HOOS KA DAAWO
#شاهد | كيف ردّ الرئيس #أردوغان على تغريدة مسيئة لـ #تركيا والعثمانيين وأعاد نشرها وزير خارجية #الإمارات ؟ pic.twitter.com/gBhURNwMND
— قناة TRT العربية (@TRTalarabiya) December 20, 2017
Xiisadda ka dhex taagan dalalka Turkiga iyo Imaaraadka ayaa waxaa kiciyay qoraal uu dib u faadiyay wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka oo eedeynaya xaakimkii dowladii Cusmaaniyiinta ee magaalada Mediina Almunawara oo ku eedeynaya inuu dhac iyo falal burcadnimo ah kula kacay dadka degan magaaladaasi, taasoo keentay in madaxda Turkiga ay si weyn uga caroodaan kana jawaabaan.