Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Famaajo oo xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadaha G/Banadir & tan Rafcaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomyeyaashii Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Rafcaanka ee G/Banaadir, isagoou magacaabay guddoomiyeyaal cusub.

Wareegto kasoo baxday Madaxtooyada ayaa xilalkii looga qaaday Muuse Macallin Maxamed guddoomiyihii Maxkamadda G/Banaadir iyo Abshir Cumar Cabullaahi guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir Abshir Cumar Cabullaahi; iyadoo loo magacaabay Cabdikhadar Maxamed Xasan oo noqonaya Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxamed Axmed Cismaan oo noqonaya gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu xil ka qaadista iyo magaaabidda sameeyay, kadib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilka laga qaaday wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.

Guddoomiyeyaasha cusub ayaa la sheegay inay yihiin rag dhalinyaro ah oo aan hore shaqo garsoor u soo marin, balse soo barta sharicga; waxayna arrintan ka mid tahay khilaaf ragaadiyey Garsoorka, iyadoo xiriirka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda G/Banaadir uu aad u xumaa muddooyinkii ugu danbeeyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed
Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed
Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxkamadda Rafcanka Gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabullaahi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON