Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay samraan afarta sano ee dowladiisu jirto.
Wuxuu sheegay inaan waxba laga sugi karin isaga iyo wasiirada yar ee xukuumadda oo laga doonayo dadka oo dhan inay wax qabtaan oo aan loo deynin, wuxuuna ku baaqay in afartan sano laga shaqeeyo danta guud.
“Dalkaan waa burburay wuxuu u baahan yahay boqolaal kun oo Soomaali ah inay u istaagaan oo gacan la siiyo dowladda oo afar sano la sabro.. nala fiiriyo marka annaga haddaan xumaano qof Soomaali ah oo fiicnaan doono ma jiro..” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha oo ka hadlay Masjid ku yaalla gudaha Madaxtooyada ayaa hadalkan ka jeediyay salaadii jimcaha kadib.
DHAGEYSO
Goobjooge.com,