Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo: Dowladdu waxay ku hoggaamineysaa rabitaanka shacabka iyo Doorasho xalaal ah”

Madaxweynaha Soomaaloya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu jeediyey kusoo beegay Sanad-guurada 77-aad ee Aas-aaskii ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL).

Khudbadiisa ayuu Madaxweynaha uga hadlay 13-kii dhalinyaro ee aasaasday SYL, isagoo sheegay inay ku sifoobeen isk-duubni, dhabar adayg, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, ayna xaqiijiyeenhiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku yiri: “Maxay dadka ku hadaaqaya ama ku dhawaaqaya Qabyaaladda u hayaan dhalinyarrada umadda Soomaaliyeed ee maanta joogta, inagoo aragnay qasaaraha ay leedahay kala qeybsanaanta..?”

Wuxuu sheegay in dowladiisa ay ku shaqeyneyso rabitaanka shacabka. “Waxaan ku shaqeynay dowlad wanaagsan, waxqabad, wada shaqeyn iyo amaannada umadda inaan lo iscicmaalin dano gaara..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladiisa ay dhaxashay deymo fara badan iyo musuq baahsan.

“Dowladu waxay ku hoggaamineysaa rabitaanka shacabka dimoqraadiyad iyo doorasho xalaal ah sida dalalka hore u maray..” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inay ku guuleysteen deyntii lagu lahaa dalka in laga cafiyo.

“Maanta waxay ahayd inaan dabaaldegyo waaweyn ku maamuusno taariikhdeena dahabiga ah, laakiin duruufaha uu sababay cudurka covid-19 ayaa naga hakiyey..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo mid mid u tiriyey horumarka ay gaartay dowladiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON