Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Cadaado ee Gobolka Mudug.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa la xiriira ka qeybgalka xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ka socota Cadaado.
Waxaa kaloo Cadaado ka degay guddoomiyaha Gobolka banaadir Taabit Cabdi Axmed, waxaana xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Galmudug ka qeyb galaya madaxda maamulada dalka, wakiilada beesha caalamka iyo dowladda Federaalka.
Goobjooge