Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilka iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Guddoomiye Jawaari oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono maalinta berri, si uu amaanada dib ugu celiyo baarlamaanka, isagoo xusay in sababta uu hada u soo muuqday ay tahay inuu si rasmi ah u caddeeyo is casilaadiisa.
Waxaa uu sheegay in wixii kaloo dheeraad ah uu maalinta berri ka hor-jeedin doono Baarlamaanka, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed, kana raalli geliyay wixii jiray ee jahwareerka ahaa.
“Waxaan rabaa hor iyo horaan inaan mahad gaara u jeediyo Shacabka Soomaaliyeed, kana raali galiyo maalmahaan murugtii iyo walwal maalmahaan nasoo maray oo adkeysiga ay u yeesheen waxaana ku wargalinayaa inay arintaasi dhamaatay, waxaan aad u tixgaliyay talooyinkii badnaa ee iga soo gaarayay sidaas ayaana go’aan ugu gaaray in aan xil heyntii golaha shacabka Berito oo Arbaco ah inaan xilkaasi iyo amaanadaasi aan ku celiyo golaha shacabka oo ii dhiibtay”.
Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay go’aanka uu qaatay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, isagoo sheegay inuu dalka wax badan u soo qabtay muddo 50-sano ah uu usoo dadaalayay.
“Waxaan rabaa inaan u mahad celiyo Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dalkaan wax badan usoo qabtay mudo 50-sano uu shaqeynayay, Mudane waa oday Soomaaliyeed waa khabiir dhanka Sharciga ah, go’aanka uu qaatay waa mid sharci wax shuruud ah oo ku xiran ma jiraan, waxaan ku dhiiri galinayaa inuu halkaasi kasii wado dadaalada uu ku bixiyay Dowladnimada Soomaaliyeed”.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumadda Soomaaaliya iyo Baarlamaanka usoo jeediyay inay laba jibaaraan dadaalka ay wadaan maadaama ay horyaalaan howlo culus.
“Xukuumadda waxaan farayaa inay dadaalka laba jibaarto maadaama ay horyaalaan howlo culus oo ay ka mid yihiin sugida amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, Baarlamaanka waxaan usoo jeedinayaa inay dardargaliyaan Hindise sharciyeedyada oo xukuumada ay usoo gudbisay oo ahmiyad weyn u leh dalka, waxaan kaloo aan ugu baaqayaa Baarlamaanka inay kor joogto ku sameeyaan Xukuumadda iyo laamaha amaanka, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan hay’addaha amaanka’’ ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.