Iyadoo xalay la soo gabagbeeyay wadatashiyadii beelaha Soomaalida ee dhismaha Golaha wasiirada cusub ayaa la soo xaqiijiyay in labada xafiis ee madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay laba weji oo kala duwan ku wajaheen musharixiinta Golaha wasiirada.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Xafiiska ayaa kulamo kooxeed iyo kuwo shaqsi la yeelanay xildhibaanada isku beesha ah iyo musharixiinta doonaya inay ka mid noqdaan Golaja wasiirada, waxaana koobnaa doorka musharixiinta ee shaqsi ahaanta loo qaabilayo.
Ra’iisal wasaaraha ayaa raadinayay kalsooni beeleed ku dhisan xildhibaanada beel kasta ugu jira Baarlamaanka si aysan caqabad ku imaan ansixinta Golaha wasiirada uu magacaabi doono.
Xafiiska Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa aad ugu badnaa shaqsiyaadka musharixiinta ah ee raadinaya inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada, waxaana loo sheegay inay la yimaadaan taariikh nololeedkooda (CV) ama ay geeyaan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Arrintan waxay keentay in boqolaal CV ay tagaan labada xafiis iyadoo Ra’iisal wasaaruhu aanu cidna ka dalban inay keento CV, taasoo shaki gelisay musharixiinta tegay xafiiska madaxweynaha.
Waa markii ugu horeysay ee musharax wasiir la arko iyo CV -yo loo qabanayo si wadar ah oo boqoloaal sare sare u dhaafay, waxaana hore u dhici jirtay in Musharixiinta Ra’iisal wasaaraha sidan laga dalbado.
Goobjooge.com