Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Shiinaha oo ka wadahadlay xiriirka Taiwan la yeelatay Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyadaku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha.

Dhankooda, Dowladda Shiinaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Danjiraha Shiinaha ayaa dhankiisa ku cel-celiyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go’antahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON