Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo saakay ka dhoofay  magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarka madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa la xiriira xoojinta xiriirka soojireenka ee labada dal, horumarinta iskaashiga labada dowladood oo madmadow uu soo dhex galay xiriirkooda kadib markii madaxweyne Farmaajo uu booqday Eritrea isla markaana ku baaqay in cunaqabateynta laag qaado dalka Eritrea

Madaxweyne Farmaajo ayaa kullamo la yeelan doonaa madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Iscmaaciil Cumar Geelle oo ay ka wadahadli doonaan xaaladda Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu farriin ka sido madaxweynaha Eritrea iyadoo uu waanwaan ka dhex wado labada dal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON