Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay dalka Talyaaniga, iyadoo la sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Talyaaniga.
Inta uu ku sugan yahay dalka Talyaaniga ayuu kulamo la yeelan doonaa madaxda dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
“Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah, waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa hadda hoggaamiya xukuumadda dhinaca midigta u janjeerta oo aan la ogeyn siyaasadda ka leedahay Soomaaliya, inkastoo ay muddo dheer ka gaabsatay arrimaha Soomaaliya oo meel hoose ay uga jirto.