Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka qeybgalay shirkii Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) ee magaalada Kampala.
Shirka oo ka dhacay 2-dii bishan ayaa laga soo saaray qodobo ay ka mid yihiin inaan AMISOM xilligan laga saari karin Soomaaliya, lana dhimi karin, iyadoo golah ammaanka loogu baaqay inuu dib uga laabto go’aankii dhimista ciidamada AMISOM.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa Waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliaya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu ku amaanay AMISOM iyo kaalinta ay uga jirto dagaalka Alshabaab, wuxuuna si gaara u bogaadin ugu jeediyay madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni.