Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo gaaray Riyaad [Akhri yaa soo dhoweeyay…?]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga.

Wafdiga madaxweynaha oo ah markii ugu horeysay oo uu dibadda u dhoofo intii la doortay ka hor 15 maamood waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khaalid ku soo dhoweeyay madax dhowr ah.

Madaxda Boqortooyada Sacuudiga ee soo dhoweysay madaxweyne Farmaajo waxaa hor kacayay Amiirka Gobolka Riyaad AMiir Feysal Bin Bandar Ibnu C/casiis, Wasiiru dowle ka mida Golaha wasiirada Boqortooyada Musaacid Bin Muxamed, xoghayaha Gobolka Riyaad Ibraahim Maxamed Suldaan, Safiirka Sacuudiga u fadhiya dalka Kenya iyo Soomaaliya Muxamed C/Qani.


Waxaa kaloo madaxweyne Farmaajo ku soo dhoweeyay Garoonka Riyaad safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo isagu qabanqaabiyay safarkan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu cumreyso, kadibna kulan ayuu la qaadan doonaa Boqorka Sacuudiga oo ballanqaad dhaqaale iyo deeq uu ka heysto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON