Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte.
Laba dhinac ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo Talyaaniga kaalintii uu kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoo tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga.
“Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale, mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub dhexdaadka u ah in la xoojiyo xiriirkeena soo jireenka ah si aynu horumar iyo barwaaqo u gaarsiinno labadeenna shacab.”
Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa sheegay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wadashaqeynta iyo taageerada Soomaaliya, wuxuuna soo dhaweeyay hindisaha Dowladda Soomaaliya ee maalgashadayaasha Talyaaniga si ay ganacsatada Talyaaniga u maalagashadaan Soomaaliya.