Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan sagoojin ah oo uu u sameeyay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) wuxuu xusuusiyey tanaasulkii uu sameeyay sanadkii 2011.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey xafladii xalay ee lagu maamuusay Guddoomiye Jawaari ayaa yiri “Jawaariyow anigaa soo tanaasulay, iyadoo la i leeyahay dadka ayaa ku raba ee ha tanaasulin, wuxuu ilaaheey iigu bedelayna waad aragtaa..,”
Madaxweynaha ayaa Guddoomiye Jawaari ku amaanay waxqabad iyo khibrad, wuxuuna ka codsaday inuu la sii shaqeeyo baarlamaanka iyo guddiyadiisa kala duwan, maadaama aan laga maarmin khibradiisa.
Dowladda uu hoggaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku caan baxday in xilalka laga qaado mas’uuliyiinta ugu waxqabadka badan oo kadib lagu amaano shaqadii ay hayeen.