Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa saaka u dhoofay magaalada Asmara, halkaasoo uu uga qayb gelayo kulan Madaxeed saddex geesood ah oo ku saabsan Iskaashiga alalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.
Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.
Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka, sida lagu sheegay Wararka ayaa sheegaya ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dalka Eritrea tegay 10-kii bishan Janaayo 2020, wuxuuna kasoo laabtay laba maalmood kadib, taasoo ka dhigan in laba toddobaad gudahood uu markii labaad ku sugan yahay dalka Ertirea, waan socdaalkii ugu dhowaa ee uu dal dibadeed ku aado.
Isu soo dhowaashaha saddexda dal ee Itoobiya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa yimid, kadib markii ay Itoobiya iyo Eritrea heshiis ka gaareen dagaalkii lagu hoobtay ee labada dal dhex maray, waxaana isbaheysigan alifay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyadoo Somaliya aysan caddeyn kaalinteeda.
