Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe kadib shaacisay qoraal ku saabsan inuu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo saxiixay heshiiskii Doorashada Dadban ee 2020/2021 ee ay gaareen Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo madaxda maamul Goboleedyada oo Baarlamaanka Federaalka ansixiyey 26-kii September 2020.
Heshiiskan ayey Madaxweynaha ku qaadatay inuu saxiixo 47 maalmood, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo uu khilaaf ka dhashay Guddiya Doorashada ee ay dowladdu magacawday. Waxaa qoraalka Madaxtooyada lagu sheegay inuu dalku aaday Doorasho laga bilaabo 1-dii bishii Oktoobar 2020.
“Waxaan dalka u jihaynay doorasho. Laga soo bilaabo 1-dii Bishii Oktoobar ee sanadkan oo aan la saxiixanay Madaxda Dowladda Goboleedyada dalka Heshiiskii Habraacyada doorashooyinka, waxaan qaadnay tallaabooyinka Heer Federaal ee ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo dhaqan gelinta dhammaan qodobbada ku jira Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka.” ayaa lagu yiri qoraalka oo soo baxay xilli ku beegan Aadaankii hore ee salaadda subax.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ku faray Xukuumadda dardargelinta doorkeeda ku aaddan fududeynta qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskan ay ansixiyeen Baarlamaanku, kuna meel maray saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo Jimce ah 13 Novembar 2020.
Heshiiska oo wixii maanta ka dambeeya dhaqangal noqonaya ayaan la ogeyn sida uu u saameyn doono Guddiyadii Doorashada ee ay xukuumadu magacawday oo Madaxweynuhu difaacay, isla markaana sheegay inay dhalinyaro yihiin.
