Madaxweynaha Soomaaliya, ahna taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida ayaa kormeer ku tegay bakhaarada Saadka ciidamada dowlada.
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu hubinayo in Raashinka uu si siman u gaaro ciidamada qalabka sida & qoysaskooda, isagoo sheegay inuu si dhow ayaan ula socon doono qaabka loo maamulo saadka ciidamada.
“Waxaan hoggaanka saadka faray in ay si hufan raashinka u gaarsiiyaan ciidamada & qoysaskooda, Waxaan kormeeray qaar ka mid ah keydadka raashinka ciidamada qalabka sida, si aan ugu kuur galo tayada cuntada askarta la siinayo..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
SAWIRRO