Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo baaq degdeg ah kasoo saaray daadadkii ku fatahay magaalada Qardho, isagoo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay.
Wuxuu ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadka ay soo gaartay dhibaatada xooggan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda aynu isugu geynay maan iyo muruq.
“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu…” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.