Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray goobo ay Dowladda Ereteriya ka fulisay mashaariic horumarineed ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay maanta taagan yihiin xilligii ay la jaanqaadi lahaayeen horumarka ka socda waddamada Geeska Afrika.
Madaxweynaha iyo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdigiisa ayaa booqday goobo laga hirgeliyey warshado, biyo-xireenno, beero iyo xarumaha tamarta ileyska cadceedda ee dhaliya korontada.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalkan, waxa uuna ka wareystay xaaladdooda nololeed, isagoona la wadaagay qaar ka mid ah qodobada miradhalka ah ee ka soo baxay wadahadallada u socda labada dal, kuwaasi oo ay ka mid tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safaarad ka furan doonto dalka Ereteriya, taasi oo u adeegi doonta jaaliyadda.
Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ay ku tageen degmooyin ka baxsan magaalada Asmara waxaa ku weheliyey Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood.