Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Ciidamo fara badan oo cusub u diray Gobolka Gedo

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo hor leh u diray Gobolka Gedo, xili lagu dhex jiray dhaqan gelinta heshiis shirkii Dhuusamareeb ku dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Ciidamo cusub oo diyaarado lagu qaaday ayaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo u diray magaalada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo lagu biiriyey ciidamada dowlada ee hore halkaasi ugu sugnaa.

Ciidamadan ayaa ah kuwii lagu tababarray saldhigga ciidamada Turkiga ee magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Doolow kusoo dhoweeyay Abaandulaha Ciidamada Gorgor ee halkaasi ku sugan Axmed Deeq Xasan. Lama oga ujeedada ciidamadan, laakiin Taliyaha ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa laga soo xigtay inuu bilaaban doono howlgal Al-shabaab looga saarayo Gobolka Gedo.

Qorshe dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya wadeen oo ku saabsan in Gobolka J/Dhexe laga xoreeyo Alshabaab oo qeyb ka ahaa isbedel ka dhaca Jubbooyinka oo meesha looga saaro Axmed Madoobe ayaa fashilmay, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu ugu danbeyn aqoonsaday Madaxweyne Axmed Madoobe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON