Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha Maamul Goboleeyada Goboleedyada iyo Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa maanta kulan ku yeeshay Khadka Internerka, iyadoo la isku maandhaafay aallada la adeegsanayo.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isku diyaarisay aalladda ZOOM-ka, halka ay aaladaasi diideen Puntland iyo Jubbaland ayna ku adkeysteen inay adeegsanayaan ‘Whatsapp’-ka, waxaana markii danbe intii uu shirku socday loo wareegay Whatsapp-ka markii cilado farsamo ka yimaadeen aalladda ZOOM-ka.
Shirkan oo cadaadis lagu saaray Madaxweyne Farmaajo ayaa yimid markii madaxda maamul Goboleedyada ay wadahadal yeesheen iyadoo qarka u saarnaa inay soo saareen war-saxaafadeed, balse uu soo dhex galay Madaxweyne Farmaajo oo casuumaadda shirka maanta u diray madaxda Maamul Goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo oo u muuqday inuu muujiyey debecsanaan ayaa waxaa kala qeyb galay Ra’iisal wasaare Kheyre, waxaana ka qeyb galay madaxweynayaasha maamullada Puntland, Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu ballamay shir kale inay isugu yimaadaan oo uu shaacin doono Madaxweyne Farmaajo.
Arrinta ugu adag shirka ayaa ahayd Doorashada Dalka ka dhcii doonta, waxayna Madaxda Maamul Goboleedyada dalbadeen in la joojiyo xeerarka dhammeystirka Sharciga Doorashada iyo Go’aan ka gaarista Doorashada Dalka inta ay xal ka gaarayaan oo kulamo ka yeelanayaan madaxda dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa inuu joojiyo dooda ka socota Baarlamaanka ee ku saabsan xeerarka Doorashada, isagoo codsi qoraal ah u diraya Guddoonka Baarlamaanka, waxaa kaloo laga rabaa inuu kulan isugu yeero, isla markaana shaaciyo halka ay ku kulmayaan labada dhinac sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo go’aan laga gaarayo arrimaha Doorashada iyo xaaladda kala-guurka ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ugu adkeystay inuu madaxda maamul Goboleedyada kala hadlayo arrimaha Amniga, laakiin doorashada ay u taallo Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Guddiga Qaran ee Doorashooyinka.