Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Muqdisho [Akhriso Amar uu siiyay Xukuumadda]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho rasmi ah ah oo uu ku tegay dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu heshiisyo kala duwan lasoo galay dowladda Masar, kuwaasoo quseeya dhinacyada: waxbarashada, ganacsiga, beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Soomaaliya inay dabagal ku samayso sidii loo dhaqan gelin lahaa qorsheyaashii ay isku soo afgarteen dowladda Masar, wuxuuna socdaalkiisa ku tilmaamay mid sii xoojinaya iskaashiga labada dal.

Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Qaahir la kulmay madaxweynaha dalkaasi C/fatax Alsisi, madaxa Azhar iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Masar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u direysa dalka Masar saraakiil gaaraya 15 oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo bilow u ah qorshaha dowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON