Monday, June 30, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo difaacay sababta uu u joojiyey Tacsida & Cambaareynta Qaraxyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa difaacay sababta uu u joojiyey cambaareynta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho iyo tacsida loo diro dadka ku waxyeelooba, tasoo ahayd arrin ay si weyn ugu dhaliileen siyaasiyiin iyo dadweyne kala duwan oo baraha bulshada ku faaqida hab-dhaqanka hoggaanka sare ee Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey kulankii uu habeenkii Khamiista la yeeshay taliyeyaasha ciidamada iyo Gurmadka qaraxii ka dhacay Xarunta G/banaadir ayaa ku dooday in tacsi uu diro aysan waxba soo kordhineyn, iyadoo dalku dagaal kula jiro argagixisada Alshabaab, isaguna uu qaatay inuu iska dhaafo cambaareyn iyo tacsi oo muujinaya daciifnimo, sida uu yiri.

Xubnihii kulanka ka qeyb galay ayaa u sheegay Goobjooge.net in madaxweyne Farmaajo uu si weyn uga welwelsanaa qaraxyada sii kordhay ee Alshabaab iyo sida ay ugu suuragashay inay dhex galaan ciidamada amniga oo qaraxyo ka fuliyaan gudaha xarunta Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaraxii ugu horeeyay ee Muqdisho ka dhacay kadib markii uu xilka la wareegay ku dhaqaaqay inuu habeennimo isbitaalka Media ku booqdo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey, balse wuxuu muddooyinkii danbe qatay go’aan ah inuu ka aamuso qaraxyada ka dhaca Muqdisho iyo gobollada dalka.

Dad badan ayaa faallooyin aan wanaagsneyn ka bixin jiray farriimaha tacsida ah ee madaxweynaha ka yimaada laguna qoro baraha bulshada, iyagoo ku eedeynaya waxqabad la’aan iyo damqasho xumo, taasoo qeyb ka ah in madaxweyne Farmaajo uu joojiyo cambaareysa qaraxyada iyo tacsi u dirista dadka ku dhinta.

Qorshe cusub oo uu amray in lagu dhaqaaqo ayaa ah dib u habeyn guud oo ku saabsan hay’adaha amniga, taasoo xukuumadda looga fadhiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON