Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu faragelin ku sameeyay go’aankii Golaha Wasiirada xilka sii ay xayiraadda uga qaadeen Diyaaradaha Qaadka ee ka yimaada dalka Kenya.
Go’aanka Golaha Wasiirada xilgaarsiinta ah oo Khamiistii soo baxay ayaan la shaacin, iyadoo xukuumadda dhacday ay ka gaabsatay inay dadka la wadaagto, laakiin waxaa baahisay warbaahinta Kenya.
Saacado kadib markii warkani soo baxay ayaa xalay baraha bulshada lagu faafiyey in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farnaajo uu faragelin ku sameeyay go’aankii xukuumadda xilka sii heysa Khamiistii ku gaareen in la fasaxo Duulimadyada diyaaradaha Qaadka ee ka imaanaya dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu faray Wasaaradda Duulista Hawada in dib u dhigaan arrinta Duulimaadyada Qaadka ee ka yimaada imaanaya dalKenya, waxaana si weyn loogu faafiyey baraha bulshada, iyadoo loo muujinayo guul weyn, waxaana markii danbe tallaabada Madaxweynaha xaqiijiyey ilo ka tirsan Madaxtooyada.
Go’aanka Madaxweyne Farmaajo iyo faragelinta uu arrintan ku sameeyay ayaan weli lagu shaacin warbaahinta dowladda, waxaana looga gaabsaday sida warkii ka horeeyay ee fasaxa diyaaradaha Qaadka Keya ee Golaha Wasiirada xilka sii haya.