Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdaullaahi Farmaajo ayaa farriintiisii ugu horeysay soo dhigay baraha bulshada wixii ka dambeeyay markii laga keenay mooshinka xil ka qaadista 9-kii Disembar 2018.
Qoraal ku qoran Af ingiriis ayuu soo dhigay bartiisa twitter-ka shaqsiga ah, waxaana lagu sii faafiyey bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada Villa Somalia, isagoo soo dhoweeyay qoraal ay soo sartay hay’adda lacagta adduunka ee IMF oo ku saabsan soo gabagabeynta wejiga kowaad ee barnamaij dib u eegis loogu sameynay hanaanka maaliyadda Soomaaliya.
Qoraalka madaxweynaha aya qoraalkiisa ku sheegay in Dowladdu ka go’an tahay inay Soomaaliya horey usii dhaqaajiso, isgoo soo dhoweeyay qoraalka kasoo baxay Hay’adda IMF, wuxuuna yiri: “Waxaan sii kordhin doonaa dadaalkeena si aan horumar u gaarsiino dadkeena”
HOOS KA AKHRI FARRIINTA
Madaxweyne Farmaajo
Our government is truly committed to taking somalia forward. I welcome the positive IMF statement on SMP 3 performance so far. It is a sign of our commitment and effort bearing fruit. We will work even harder as to deliver success for our people.