Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya caawa olole ku saabsan amniga degmooyinka G/banaadir oo ka furmay caasimadda.
Ololaha oo uu soo qabanqaabiyay maamulka G/banaadir ayaa loogu magac daray: Ololaha Nabadeynta iyo is-dhexgalka Degmooyinka Gobalka Banaadir oo ka socda Xarunta Dugsida sare ee Booliska Gen. Kaahiye; waxaana ujeedkiisu yahay in degmooyinka Gobolka Banaadr ay qaadaan olole lagu sugayo ammaanka oo la doonayo in lagu soo celiyo xasiloonida caasimadda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doona Daah furka Ol-olaha Shir weynaha wareegga Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo 17-ka degmo ee Gobolka degmo wlaiba mar lagu qabanayo.
Qeybaha kala duwan ee Bulshada oo lagu marti qaaday ka qeyb galka Munaasabadda ayaa Khudbado ay jeediyeen waxa ay Madaxda dalka ka codsadeen in ay iska xil saaraan Sugidda Amniga Caasimadda.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka oo Kaashanayo Taliyaasha Qeybaha kala duwan ee Ciidamada kala hadli doono Sida loo sugi karo amniga Magaalada Muqdisho.