Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow si rasmi ah u furaya kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta furmaya.
Xildhibaanada ayaa ku qulqulaya xarunta Akadeemiyada Jen. Kaahiye ee ciidamada Booliska, halkasoo xafladda furitaanka ay ka dhaceyso, iyadoo uu khudbad ka jeedin doono maaxweynaha, waxayna xildhibaannadu ku maqnaayeen fasax tan iyo bishii Disemebar 2018.
Dhinaca kale ciidamada Madaxtooyada ayaa xiray wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, siibna wadooyinka isku xira madaxtoyada iyo Dekadda magaalada Muqdisho, waxaana loo diiday isu socodka gaadiidka.
Khilaafkii Aqalka Sare iyo Golaha shacabka ayaa weli taagan iyadoo aan lagu guuleysan in la heshiisiiyo si wadajir loogu furo kalfdhiyadoda.