Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dalka Koonfurta Suudaan iyo ujeedada socdaalkiisa oo la shaaciyey

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar aan lasii shaacin ugu dhoofay saaka magaalada Muqdisho, isagoo gaaray magaalada Jubba eed dalka Koonfurta Suudaan.

Farmaajo ayaa ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan, wuxuuna ka mid yahay madxda markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan.

Madaxtooyada Soomaliya ayaa sheegtay in Dowladda Suudaanta Koonfureed ay casuumaad u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si uu goobjoog uga noqdo xaflada.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo dalka uga baxo tan iyo Bishii Maarso, markaasoo uu cuduruka Corona dunida ka dilaacay, lana joojiyey isu socodkii iyo safarradii dibadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON