Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda oo booqasho uga bilaabatay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Entebbe kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Uganda iyo Diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, iyadoo soo dhoweyntu ahayd tii ugu heer hooseysay ee Farmaajo lagu soo dhoweeyo dalalkii uu booqday.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeybgeli doona shir madaxda Afrika qaarkeed iyo xoghayaha Q/Midoobay ku yeelanayaan magaalada Kampala oo ku saabsan arrimaha Qaxootiga.