Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika dalka K/Afrika.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu la xiriiro ka qebgalka xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalkaas Cyril Ramaphosa oo ay ka qeybgeli doonaan madax badan oo Afrikaan ah.
Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu aakhirka bishan u dhoofo dalka Sacuudiga, halkaasoo uu uga qeyb geli doono shir madaxeedka degdegga ah ee boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis isugu yeeray madaxda dalalka Jaamacadda Carabta.