Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddi ka kooban lix xubnood oo qaabilsan la xaajoodka maamulka Somaliland.
Guddiga la magacaabay ayaa lagu sheegay inay yihiin :”Guddiga Dhab u heshiisiinta iyo Wada Hadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland” iyadoo xubnaga la magacaabay lagu saleeyay habka awood Qeybsiga maamullad dalka jira.
Magacyada xubnaha Guddigan ayaa kala ah:
1- Xil. C/llaahi Sheekh Ismaaciil – Guddoomiyaha Guddiga.
2- Danjire C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) Guddoomiye kuxigeen.
3- Dr. C/raxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow)
4- Danjire Dr. Cali Siciid Fiqi
5- Gen. Axmed Jaamac Muuse
6- Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli)
Wareegtada ayaa lagu qeexay xilka iyo waajibaadka Guddigaan oo ay ka mid yihiin qodobadda soo socda:
1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.
Wadahadalkii labada dhinac ee dowladda Somalia iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku jiray tan iyo intii uu talada yimid madaxweyne Farmaajo oo xiriirka labada dhinac uu sii xumaaday, waxaana si weyn loogu eedeeyay dowladdan inay sii fogeysay Somaliland.