Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo halheys cusub u sameeyay dowladiisa [Dhageyso]

Madaxweynaha Sooomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa  shaaciyay in halheyska dowladiisa iyo mabaadii’da uu ku shaqeyn doono.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) oo la hadlayay xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in halheysa dowliisa uu yahay Dib u heshiisiin iyo dib u dhis.

Wuxuu kaloo ka hadlay labada caddow ee dowladiisa leedahay kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin Musuqmaasuqa ragaadiyay dowladnimada iyo kooxda Alshabaab.

“Labada Caddow ee dowladnimada ragaadiyay waa Al-Shabaab, iyo musuqmaasuq, waa kuwa naga hor-taagan dowladnimada, labadaan oo aan la cirib tirin lama qaadi karo wadadda dowladnimada”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON