Madaxweyne Farmaajo oo joojiyay Guddoominta Shirki Golaha Amniga & Qodobada la isku heysto [Akhriso]

0

Wararkii ugu danbeeyay ee Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku jiraan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo joojiyay guddoominta shirka.

Shirkan oo Arbacadii 5-ta bisha ka furmay magaalada Muqdisho ayaa la filayay in lagu soo gabagabeeyo muddo laba maalmood, laakiin waxaa dhacday in arrimo dhowr ah la isku mari waayo, taasoo keentay inuu qaato  waqi dheeraad ah.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa joojiyay guddoominta shirarkii Guddiga ee ka socday madaxtooyada, waxaana bedelkiisa u xil saaray Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre inuu guddoomiyo.

Arrimaha ugu waaweyn ee la isku mari la’ yahay waxaa kamida:

1- Qaabka loo qeybsanayo ciidamada Qaran ee xoogga dalka iyo cidda yeelaneysa maamulka ciidamada

2- Qeybsiga Kheyraadka, siiba shatiyada la siiyo Maraakiibta Kaluumeysiga shisheeye

3- Qeybsiga dakhliyada kasoo xarooda ilaha dhaqaalaha dalka

4- Xiriirka maamul Goboleedyada iyo Baarlamaamka

Madaxweynaha Puntland ayaa sii wada inuu shirka la yimaado qodobo keenaya in la isku mari waayo markii uu soo jeediyay in ciidiamada lagu qeybsado 4.5, arrintaas oo aan weli xal loo helin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaara la yeeshay wafdiga Puntland iyo maamulada kale si loo helo heshiis, waxaana la sheegay in qodobada qaarkood dib loogu dhigayo shirar danbe, waxaana lagu wadaa in maanta gelinta danbe la soo xiro shirka.

Xildhibaano badan ayaa muujiyay in Golaha cusub  ee Amniga uu noqdo mid la wareega awooda baarlamaanka, iyadoo dhismihiisa ay ka danbeeyaan dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska oo hormuud u ah Beesha caalamka ee faraha kula jirta arrimaha Soomaaliya.