Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ka laabtay kulankii uu isugu yeeray xildhibaannada Beesha Hawiye, kadib xaalad…

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib uga laabtay kulan uu isugu yeeray xildhibaanada Beelaha Hawiye, saacado kadib markii uu dalbaday kulankaasi.

Xildhibaannada Beesha Hawiye oo farriinta kulanka Madaxweyne Farmaajo hore loogu diray ayaa mar kale lagu wargeliyey inuu kulankaasi baaqday, waxayna wararku sheegayaan inuu Madaxweynaha dib uga laabtay kulanka markii ay saxaafaddu faafisay, isagoo farriin kale oo loo diray xildhibaannada Hawiye haddana loogu sheegay in ballantii la kansalay.

Kulanka oo la qorsheeyay inuu dhaco habeen danbe ayaa ka mid noqon lahaa la-tashiyada uu Madaxweyne Farmaajo wado ee ku saabsan magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub, kadib bil markii uu xilkaasi bannaanaa.

Mohamed C/llaahi Farmaajo

Qaar ka mida xildhibaannada Beesha Hawiye ayaa sheegay inay la yaabeen kulanka uu madaxweynaha uga noqday saacadaha, iyadoo aan la ogeyn sababta khalkhalka gelisay madaxweyne Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON