Wednesday, July 2, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Dagaal lagu qaadayo kooxda Alshabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed  C/llaahi Farmaajo ayaa saaka salaadda ciidul Adxa Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Soomaaliya  kula tukaday dadweyne farabadan.

Madaxweynaha  oo khudbad dher jeediyay salaadii Ciidda kadib ayaa soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo ku dhawaaqayay in dhawaan ay labilaabi doono howlgalo hor leh oo gobolada dalka looga sifeynayo Shabaab, madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ay kamid yihiin dhismaha gudiga adeega garsoorka iyo amhiyadda uu u leeyahya dalka.

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday qaar ka mid ah dadweyne farabadan oo uu salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed mar kale ugu hambalyeeyay munaasabadda cuudul Adxa.

Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo  ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka danyarta ah, ayna la shaqeeyaan dowladda Federaalka si loo sugo ammaanka guud ee dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON