Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu dhisayo Guddiga Dib-u-eegista Dacwadaha iyo Cabashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa ka hadlay dhibaatada Cadaalad darrada ee ka jirta Soomaaliya iyo dib u habeyn cusub oo lagu sameynayo.

“Muddooyinkii la soo dhaafay dadkeennu waxay ka hadlaayeen caddaalad darro dhinac walba ah oo baahsan. Waxaan daraasad ku sameynay daraasad meesha dhibku ka taagan yahay iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka. Waxaa noo soo baxday in loo baahan yahay dib-u-habayn, dib-u-habayntaasina maanta ayay bilaabatay, waxaana noogu xigi doona in aan dhisno Golaha Adeegga Garsoorka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay shaaciyey dib u habeyn uu ku sameyn doono Hay’adaha Garsoorka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu magacabaayo Guddiga Dib-u-eegista Dacwadaha iyo Cabashooyinka oo si dhow ula shaqeyn doona Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare. Guddigan oo ka kooban sharci yaqaanno iyo culumada diinta ayaa dib u dhegeysanaya dacwadaha lagu muransan yahay iyo xukunnada ay sida khaldan u rideen hay’daha Garsoorka dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON