Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ku farxay mid ka mida Boqorrada Carbeed oo telefoon u soo diray

Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si weyn ugu farxay xiriir khadka telefoonka ah oo uu la soo sareeyay Boqor ka mida boqorrada Carbeed.

Qoraal uu Farmaajo soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay inuu si weyn ugu farxay telefoonkii uu u soo diray Boqorka Sacuudiga Salaam Bin C/casiis.

Farmaajo ayaa intaasi ku daray in Boqorka uu kala hadlay arrimaha abaaraha dalka. “Waxaan ku faraxsanahay wadahadalkii khadka telefoonka ee aan la yeeshay Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis & taageeradiisa gurmadka abaaraha..” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhinaca kale Wakaalada Wararka Sacuudiga aya shaacisay in Boqorka Sacudiga Salmaan Bin C/casiis uu telefoonka kula xiriiray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isla markaana ugu hambalyeeyay xilka loo doortay, iyadoo madaxweyne Farmaajo u mahadceliyay Boqorka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku sugan magaalada Muqdisho oo ka shaqeeyay xiriirinta labada hogaamiye.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON