Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo kulan degdeg ah isugu yeeray Guddiga Amniga [Go’aano soo baxay-SAWIRRO]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo shir degdeg ah isugu yeeray xalay Guddiga Amniga, iyadoo looga hadlay iska hor imaadyo dhex maray ciidamada dowladda oo qasaare dhaliyay.

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii wax looga qaban lahaa iska hor imaadyadii gilgilay magaalada Muqdisho oo lagu dilay askar iyo taliye ka tirsanaa NISA.

Madaxdii ka qeyb gashay kulanka madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga, Wasiiru kuxigeenka Gaashaandhigga, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Maaliyadda, Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida, Taliye kuxigeenka Milateriga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Tallaabooyinka ilaa iminka la qaaday waxaa ka mida: in la xiray ciidamadii ka qeyb qaatay isku dhacyadii shalay, laguna bedelay ciidamo cusub, isla markaana la bilaabay baaritaanka sidii ay wax u dhaceen.

SAWIRRO

  

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON