Wednesday, July 9, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaara la yeeshay safiirada dalalka ciidamada ka joogaan Somaliya iyo Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM iyo saraakiishooda, waxaana uu kala hadlay howlgalka AMISOM iyo dardargelinta howlgallada ka dhan ah Alshabab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay ciidammada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in ciidammada Qalabka Sida  ee Soomaaliya loo diyaariyo si  ay ula wareegaanka amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo AMISOM kala hadlay gurmadka abaaraha ee la doonayo in AMISOM ka qeyb qaadato, iyagoo ay iska kaashanayaan  ciidammada dowladda Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjooge ka ahaa wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha ciidamada, Agaasimaha Guud ee madaxtooyada, safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo xubno kale.

DAAWO SAWIRRO

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON