Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa kulan la yeeshaywafdi ka socda Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Wafdigan ayaa la sheegay inuu socdaalkoodu la xiriiro sidii dowladda Turkigu u dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka.

Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Turkiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga.

Image may contain: 1 person, indoor

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, indoor

Image may contain: 1 person, suit

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

108,231FansLike
568FollowersFollow
2,500FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

108,231FansLike
568FollowersFollow
20FollowersFollow
2,500FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!